رئيس الوزراء روبل يقيم مأدبة عشاء لأعضاء مجلس البرلمان في المناطق الشمالية من أرض الصومال( الترجمة باللغة العربية اسفل الخبر)
Waxaa qortay Layla Xuseen كتبت ليلي حسين
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Xildhibaannada dhawaan la doortay ee Labada Aqal ee BJFS ku matalaya Gobollada Woqooyi ee Somaliland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalaya Gobollada Waqooyi kula dardaarmay in waajibaadka culus ee la saaray u gutaan si ay ku jirto danta dalka iyo dadka.
Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxuu Ra’iisul Wasaare Rooble shahaadooyin guddoonsiiyay xubnaha Guddiyada Doorashooyinka SEIT Somaliland, Heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Saraakiisha Amniga, taasoo ay ku muteysteen howshii hagar la’aaneed ee ay ka qabteen hirgelinta doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee BFS ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dowlad gobolleedyada ay ku dhiman yihiin Xildhibaanada harsan in ay si deg deg ah u soo gudbaan, si dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada looga baaqsado.
أقام رئيس وزراء جمهورية الصومال الفيدرالية معالي محمد حسين روبل الليلة مأدبة عشاء على شرف أعضاء البرلمان المنتخبين حديثًا في BJFS الذين يمثلون المناطق الشمالية من أرض الصومال. أدان دولة رئيس الوزراء عبدي فرح شيردون بشدة اليوم الهجوم الإرهابي في مقديشو ودعا جميع الأطراف إلى العمل معا من أجل إحلال السلام والاستقرار في البلاد. خلال الحفل ، قدم رئيس الوزراء روبل شهادات لأعضاء لجنة الانتخابات SEIT ، والحكومة الفيدرالية ، ولجنة حل النزاعات والمسؤولين الأمنيين ، لعملهم الدؤوب في تنفيذ انتخابات BFS المكونة من مجلسين ، الذين يمثلون المناطق الشمالية من أرض الصومال. ودعا رئيس مجلس الوزراء الدول المشاركة إلى تمرير الانتخابات التكميلية في أسرع وقت ممكن تفاديا للتأخير في العملية الانتخابية.